• Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo Mooshin ka wada Imaaraadka Carabta

    Qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wada Mooshin la Xariira Faragelin ay sheegeen in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku hayso Dalka.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Tiro Xildhibaanno ah ay is Qoreen,kuwaas oo doonaya in Mooshinka ay wadaan ay u gudbiyaan Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in Lacago Malaayiin ah ay siisay Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada dalka ka jira,waxaana taasi ay Sababtay in Madaxda Maamul Gobolleedyada ay la saftaan Xulufada Sacuudiga ee xariirka u jaray Dowladda Qadar.

    Hayeeshee Mooshinka ay wadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa la xariira Faragelinta Dowladda Imaaraadka Carabta,iyadoo ay Xusid mudan tahay in horay Mooshin ka dhan ah Dowladda Imaaraadka oo Saldhig Milatari ka sameysatay Berbera Baarlamaanka la horgeeyay,balse aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay Mooshinkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *