• Xildhibaanada Golaha shacabka oo lagu soo rogay Canshuur (Akhriso)

    Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo rogay canshuurista Gunnada ay qaataan, taasoo noqoneysa markii u horeysay ee Xildhibaanada laga qaadi doonto canshuurta ku waajibtay.

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.

    Warqada ayaa lagu sheegay in talo bixi dhanka sharciga lala sameeyay Garyaqaanka Guud ee dowladda, taasoo lagama maarmaan noqotay in dib looga nodo canshuur dhaafkii loo sameeyay Xildhibaanada Golaha shacabka.

    Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in canshuur dhaafka loo sameeyay Xildhibaanada uu ka hor imaanayo shuruudaha heshiiska SMP ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya kula jirto Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

    Heshiiska SMP ayaa la sheegay inuu yahay wadada kaliya ee loo mari karo in Soomaaliya laga cafiyo deynta badan ee Caalamka looga leeyahay, haddii Soomaaliya ay ku guuldareysto inay ka soo baxdo shruudaha heshiiskan waxaa 10 sano dib u dhici doona rajada laga qabo in laga cafiyo deymaha, taasoo meesha ka saareysa in dowladda Soomaaliya loo furo fursadaha mashaariic horumarineed oo waa weyn oo dalka kaga bixi karo dhibaatada dhaqaale.

    Dood ku saabsan warqada uu Wasiirka Maaliyadda u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

    Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa bil walba mushaar u qaata lacag dhan $3,000 (Saddex Kun oo dollar), waxaa horay u jiray xeer Baarlamaanka isku raacay oo dhigayay in canshuur dhaaf loo sameeyo Xildhibaanada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *