• Xaaladda deegaanka Abal ee Gobalka Bakool oo maanta deggan

    Posted on

    Wararkii ugu danbeeyay ee maanta laga helaayo degmada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool ayaa soo sheegaya in xaaladda ay tahay mid dagan kadib dagaalo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Abal ee gobalka Bakool.

    Dagaalkii shalay ka dhacay Abal ee gobalka Bakool ee dhaxmaray Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

    Goob joogayaal iyo saraakiil ayaa KNN u sheegay in ugu yaraan 7 qof ay ku dhibteen dagaalkaasi dhaxmaray Abuu Mansuur iyo Shabaab kuwaas oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay.

    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool Korneel Maxamed Xasan Timacade ayaa sheegay in ay aad uga warhayaan dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee Al-shabaab ay ku doonayaan in ay gacanta ugu dhigaan Abuu (Mansuur).

    Al-shabaab ayaa kor dhiyay maalmihii la soo dhaafay dagaalada ay ku qaadayaan deegaanka Abal ee gobalka Bakool halkaas oo saldhig u ah Shiikh Muqtaar Roobow Cali kadib markii Al-shabaab ay ku guul dareesteen in ay ka dhaa dhiciyaan qorshihiii ay wateen ee ahaa in uu ka baaqsado ku biirida Dowlada Soomaaliya oo la aaminsan yahay in uu wadahadal kula jiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *