• Wasiir Kamid Ah Xukuumadda kheyre Oo Is Casishay

    War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Maryan Qaasim ay iska casishay xilkeeda, iyadoo noqoneysa Wasiiradii labaad oo is casishay muddo labo bil gudahood.

    Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiirada ay ku wargelisay Wasaaradda inay iska casishay xilkeeda, isla markaana ay dhowaan faah faahin doonto sababaha ay isu casishay.

    Warar ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay uu jiray isku dhac u dhaxeeyay Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku saabsanaa howlaha Wasaaraddeeda.

    Drs Maryan Qaasim ayaa ka mid ahaa Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, waxaana Wasaaradeeda aheyd mid ku cusub wasaaradaha Soomaaliya oo la magacaabay bishii March ee sanadkan.

    Is casilaadan ayaa soo dedejin karta isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada oo muddooyinkii u dambeeyay xaalado adag soo wajahayeen

    Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *