• Wabiga Shabelle oo Fatahaad ka sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe

    Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Qeybo ka mida Gobolka Hiiraan Ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Shabelle ee Mara Gobolladaasi.

    Fatahaadda uu sameeyay Webiga ayaa laga dareemay Meelo badan oo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Qeybo ka mida Gobolka Hiiraan.

    Meelaha sida weyn looga dareemay Fatahaadda Wabiga waxaa ka mida Baxayahow,Muungaay Halgan,Raqayle,Maandheere,Bacaadweyn,Baardheere Kulmis oo ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

    Wabiga Shabelle oo Sanadihii la soo dhaafay Biyo yareeyay ka dib markii la sheegay in Itoobiya ay Biyo Xireen ku sameysay Kanaalada Waa-weyn ee Wabiyada ayaa hadda Fatahaadda uu sameeyay waxaa walaac ka muujiyay Dadka ku nool Jiinka Wabiga ee Degaanada Hirshabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *