• Ugu Dambeyn Kooxda Beeca Xorta Ah Ku Qaadaneysa Bisha January Mesut Ozil Oo La Shaaciyay

    Mesut Ozil ayaa doonaya inuu Manchester United ku biro xagaaga soo aadan, sida laga soo xigtay wargeysyada waaweyn ee UK.

    Wargeyska Sunday Mirror ayaa sheegeya in xiddiga Jarmalka uusan qandaraaska u cusbooneysiin doonin kooxdiisa, waxaana loo badinayaa inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

    Warbixinta ayaa sheegeysa in Jose Mourinho uu weli ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka Ozil, oo uu macalin ugu soo noqday kooxda Real Madrid.

    Jose ayaa u sheegi doona madaxda kooxda Manchester United inay ka shaqeeyaan heshiiska ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka.

    Ozil ayaa beeca xorta ah kaga tagi kara Arsenal, kadib markii uu iska diiday mushahar 250 kun oo ginni ah inuu kula sii joogo Arsenal.

    Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta Ozil, laakiin 28 jirkaan ayaa doorbidaya inuu sii joogo horyaalka Premier League islamarkaana uu ku biiro koox koobab waa weyn ku guuleysan karta.

    Markasta albaaabka waa uu u furan yaahay, waa ciyaaryahan shaqo badan oo fahmi kara kooxdeena ayuu yiri tababare Jose Mourinho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *