• Tababare Antonio Conte Oo Qorsheyana Inuu Qarash Gareeyo Aduun Dhan 250 Malyan oo Pound & Liiska Xidigaha Uu Damacsan Yahay Saxiixooda.

    Posted on

    Tababaraha reer talyaani ee leyliya Chelsea Antonio Conte ayaa qorsheyanaya inuu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku qarash gareeyo aduun dhan 250 Malyan oo Pound isagoo ku doonaya inuu kusoo xerogaliyo afar xidig oo bartilmaameed u ah.

    Chelsea waxey in badan ku mashquuli doontaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyado rajeyneysa iney difaacato horyaalka Premier League walow uu goor hore macalinkii hore Juventus lasoo saxiixday Antonio Rudiger, Willy Caballero, Alvaro Morata iyo Tiemoue Bakayoko.

    Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda wuxuu xirmi doonaa 31-ka August balse Antonio Conte wuxuu doonayaa inuu ugu yaraan afar ciyaartoy oo kale keeno garoonka Stamford Bridge isagoo diyaar u ah inuu bixiyo aduun dhan 250 Malyan oo Pound.

    Jariradda Daily Mail waxey qoreysaa in Virgil Van Dijk uu ka mid yahay xidigaha uu Antonio Conte ku darsaday qorshahiisa suuqa kala iibsiga.

    Dagaal adag ayey la gali doontaa Liverpool oo sidoo kale xiiseyneyso, walow xiisaha Blues uu xoogaa qaboobay markii uu yimid Rudiger, balse Mail waxey ku adkeysaneysaa in van Dijk uu wali ku jiro liiska Blues.

    Dhanka kale Alex Sandro ayaa ku jira qorshahaan kaas oo ay aad ula dhaceen maamulka Blues kadib bandhigiisii Juventus.

    Sidoo kale Inter Milan garabkeeda Antonio Candreva ayaa ka mid ah xidigaha uu Antonio Conte damacsan yahay inuu keeno Bridge, halka xidiga afaraad lagu sheegay Fernando Llorente.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *