• Southampton oo ceyrisay tababare Claude Puel

    Posted on

    Claude Puel oo sanadii la soo dhaafay uun xilka tababaranimo ee Southampton ka badelay Ronald Koeman oo aaday Everton ayaa shaqada laga ceyriyay.

    Wuxuu kooxda keenay kaalinta 8-aad ee Premier League sidoo kale waxay soo gaareen Final ka EFL Cup inkastoo ay ka qaaday Manchester United.

    Laakiin tababaraha reer Fracen kaa oo weli labo sano uga harsan tahay qandaraasiisa ayaa laga ceyriyay kooxda iyadoo ay neceen taageerayaasha.

    Waxaa la wariyay inuu xiriir xun kala dhexeeyay qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda waa wayn ee kooxda.

    Southampton ayaa warbixin ay soo saartay ku xaqiijisay inay bur burisay heshiiskii labada sano ee Puel uga harsanaa qandaraaskiisa isla markaana ay wax fiican u rajeynayso mustaqbalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *