• Sacuudiga oo Shuruud Adag ku xiray in uu Xayiraada ka qaado dowlada Qadar lana heshiiso

    Posted on

    Dowlada Sacuudiga ayaa diidan dalabyo dhinacyo kala duwan uga yimid oo looga codsanayay in la qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee ka aloosan Wadamada Khaliijka xal diblumaasiyadeedna lagu dhameeyo Khilaafka kala dhaxeeya dowlada Qadar.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Adel al-Jubeir, ayaa cadeeyay in dalkiisa wax heshiis ah uusan la gali doonin dowlada Qadar ilaa iyo inta ay ka badalayaan sida uu sheegay siyaasadooda arimaha dibada iyo taageerida waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.

    Dowlada Sacuudiga ayaa wali ku adkeesanesa kuna eedeeneysa dowlada ay jaarka yihiin ee Qadar inay taageerto argagixisada, sidoo kalena ay faragelin ku sameyso arrimaha wadamo kale oo qaarkood ku yaala Khaliijka.

    Dowlada Sacuudiga iyo dowlado kale ayaa xayiraad dhinacyo kala duwan kusoo rogay dowlada Qadar a ku eedeeeen in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah sidoo kale a dhaqaalaheeda u adeegsao fara galinta wadamo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *