• Ronaldo Nazario “Real Madrid weeraryahan kale uma baahno CR7 Iyo Benzema ayaa ku filan”

    Dooda ugu weyn waxay ka taagan tahay in Real Madrid aysan guuleesanin sedexda kulan ee ugu horeesay La Ligaha Spain oo ay ku cayaartay garoonkeeda Bernabue.

    Waxaana bilaabatay xili hore in saxaafada Spain ay soo jeediso Madrid ku qasban tahay weeraryahan cusub inay bisha Janaayo soo iibsadaan.

    Balse halyee Ronaldo Nazario oo Real Madrid waqti wacan lasoo qaatay midaas ma qabo wuxuuna yiri “Qaabka ay Real Madrid u cayaareyso waa mid wanaagsan waxna kama qaldano”

    “Waxay heestaan Cristiano Ronaldo oo ah weeraryahanka dunida ugu wanaagsan iyo sidoo kalena Benzema oo isagana gool dhaliye wanaagsan ah”

    “Sidaa darteed Madrid uma baahno weeraryahan cusub, waxaana ku kalsoonahay in natiijooyinka wanaagsan ee kooxda lagu yaqiinay dib usoo laaban doonaan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *