• Reysul wazaaraha Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Baraawe

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha la xiriira arrimaha howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Aqalka Sare, ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo kaga sii horeeyay Baraawe.

    Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa isna ka mid ahaa kuwa  gaaray Baraawe.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doona Saraakiisha ciidamada, maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwna ee bulshada, isagoo kala hadli doona howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada gobolka.

    Ka hor inta aanu Ra’iisul Wasaaraha gaarin Baraawe Al-Shabaab ayaa la sheegay in dhowr madaafiic ay ku garaaceen Garoonka diyaaradaha, inkastoo madaafiicda qaar la sheegay inay nawaaxiga garoonka ku dhaceen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *