• Khaatumo oo ogolaatay in ay ku biirto Somaliland

    Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa Heshiis ku kala Saxiixday Magaalada Hargeysa,waxaana Heshiisku uu dhigayay in Khaatumo ay ogolaatay in Somaliland ay ku biirto.

    Qoraalkan ayaa lagu yiri Labada dhinac waxay isla garteen:

    1- Wadajirka
    2- Wax wada lahaanshaha
    3- Nabad kuwada noolaasho
    4- Horumarkeena
    5- Meel uga soo wada jeedka [Cadowgeena]

    Waxaa sidoo kale qodobada ay labada dhinac kala saxiixdeen kamid ah in dib loo furo Dastuurka Somaliland oo wax laga bedalo isla markaana dib loo eego awood qeybsiga maamulka.

    Goobta heshiiska lagu saxiixay ayey ku sugnaayeen Cali Khaliif Galeyr hogaamiyaha Khatuumo, Faysal Cali Waraabe oo hogaamiya xisbiga UCID ee Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Saacad Cali Shire oo ay wehliyaan guddiyada ka kala socday labada dhinac.

    Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay goobta ayaa ka mahadnaqay sida loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, wuxuuna ka hadlay heerarkii ay soo mareen wadahadaladii muddooyinkii danbe ay kula jireen Somaliland.

    Waxaa heshiiskan labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Saacad Cali Shire oo guddoomiye u ahaa guddiga dhinaca Somaliland iyo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ku magacownaa Guddiga guddiga dhinaca Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *