• Guddoomiyaha G/Banaadir oo sheegay in sharciga la horkeenayo askari dilay qof shacab ah

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto askari ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada Waddooyinka, kaasoo shalay qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho.

    Askariga ka tirsanaa Ciidamada Taraafikada ayaa shalay agagaarka Geed Jaceyl ee degmada Warta Nabadda ku dilay nin lagu magacaabo Cumar Ismaaciil Sheekh Xasan.

    Guddoomiye Taabid ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaas, waxaana uu sheegay in cadaalada la horkeeni doono, si loo marsiiyo waxa uu sharciga qabo

    Waxaa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin in qof ku labisan dareyska ciidamada inuu dulmi u geysto muwaadin, taasoo uu xusay inay dhaawac ku tahay qaranimada.

    Inta badan askarta ku labisan dareyska ciidamada ayaa waddooyinka magaalada dilal ugu geysta dadka rayidka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *