• Gareth Bale Oo Shaaca Ka Qaaday Sababtii Uu Isaga Diiday Manchester United

    Gareth Bale ayaa diiday fursad uu ku noqon karay xiddiga ugu weyn Man United, laakaiin wuxuu go,aansaday inuu doorto Real Madrid si uu koobab badan ugu guuleysto

    Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Wales ayaa mar walba lala xiriirinayay kooxda ku ciyaarta Old Trafford si uu u noqdo bedel Ryan Giggs.

    Warar la isla dhexmarayay xagagaan ayaa sheegayay in Jose Mourinho uu dalbaday ciyaaryahankii hore ee Spurs iyo Southampton.

    Laakiin Bale ayaa u sheegay saxaafada inuu iska diiday fursad uu kaga tagi lahaa Real Madrid iyo Bernabeu.

    Bale ayaa hoosta ka xariiqay in sababta ka dambeysay inuu iska diido Mabnchester United ay aheyd inuu Real Madrid kula guuleysto koobab badan.

    Gareth Baleayaa Shaaca Ka qaaday inuu isaga diiday Manchester United si uu guulaha Real Madrid usii wato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *