• Faah faahin ku saabsan sarkaal xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

    Rag hubeysan ayaa xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku toogtay General Cabdulle Maxamuud Qururux oo ka tirsanaa saraakiisha xoogga dalka.

    Generalka ayaa waxaa lagu hor dilay gurigiisa hortiisa, kaddib markii uu ka soo baxay Salaada Cishaha oo uu ku soo tukaday Masjidka Al-Iimaan oo aan sidaas uga fogeyn gurigiisa, kadibna dabelydii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday.

    Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa tagay ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaa ka bilaabay baaritaanada la xiriira dilkan, waxaana maamulka degmada Waaberi ay sheegeen in Ciidamada ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay dilka General Qururux.

    Sarkaalkan la dilay ayaa ahaa taliye ku-xigeenkii waaxda Saadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada militariga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *