• Cristiano Ronaldo oo maxkamad kasoo muuqan doono maanta

    Posted on

    Ciyaariyahanka kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa maanta kasoo muuqan doono maxkamad ku taalla caasimadda Spain.

    Ronaldo, ayaa ka jawaabi doona eedeymo ah in canshuur uu la gambiyay.

    Dacwad oogayaasha Spain ayaa ku eedeeyay Ronaldo in dowladda uu kala goostay canshuur gaareysa 17 milyan oo doolar.

    Wakiilka Ronaldo ayaa beeniyay in ciyaariyahanka uu isku dayay inuu canshuurta la baxsado oo lacagihiisa uu dhigto bangiyo dibadda ah.

    Xiddigan ayaa waxa uu wajihi karaa in xabsi lagu xukumo haddii lagu helo dambiyada lagu soo eedeeyay.

    Cristiano Ronaldo ayaa markii ay xaaladani soo baxday si wayn uga carooday wuxuuna u arkay in sumcadiisii la dhaawacay.

    Ronaldo ma ahan ciyaariyahankii ugu horeeyay ee kiis cashuur lunsi ah looga soo oogo dalka Spain. Waxaana horay sidan oo kale loogu eedeeyay Lionel Messi, Javier Mascherano, Angel Di Maria iyo xidigo la mid ah, waxaana sidoo kale dacwado lagu soo oogay Jose Mourinho, Fabio Coentrao, iyada oo waliba ciyaartoyda uu Jorge Mendes wakiilka ka yahay si wayn baaritaano loogu bilaabay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *