• Ciidamada Kenya oo ka baxay magaalo muhiim ah & Kooxda Shabaab oo la wareegtay

    Ururka Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen degaanka Tarako oo ka tirsan gobolka Gedo, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen Ciidanka Kenya.

    Shabaabka waxay sheegeen in hada degaanka ay si buuxda ula wareegeen oo ay maamulayaan, ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano, la xiriira saldhigyadii ay deganaayeen Ciidamada Kenya.

    Dadka deganaka ayaa sheegay inay arkeen Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa xamuulka in gabaldhicii shalay u dhaqaaqeen dhanka degmada Ceel-waaq, kadibna degaanka ay gudaha u soo galeen xoogaga Shabaab.

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa  sheegay in warkan uu jiro, balse hada aysan ka hadi karin, oo dib ay ka faah faahin doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *