• Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Bakool

    Posted on

    Wararka ka imaanaya degaanka Ceel-lahelay oo hoostaga Degmada Xudur ee Caasimadda Gobolka Bakool ayaa ku Waramaya in Dagaal Culus uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

    Dagaalka ayaa Mudo Saacado ah qaatay,waxaana uu Sababay dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Labada Dhinac.

    Ugu yaraan 5 Qof oo labada Dhinac ah ayaa la Xaqiijiyay in Dagaalka ay ku dhinteen,waxaana Dhaawacu uu gaarayaa illaa 10 kale sida ay sheegeen Goobjoogeyaal ku sugan Ceel-lahelay.

    Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay Weerarka soo qaadeen islamarkaana ay ku jabiyeen Dagaalka Shabaabkii wax soo weeraray sida ay hadalka u dhigeen.

    Dagaalameyaasha Al-shabaab weli kama hadlin Dagaalka Xalay ka dhacay Degaanka Ceel-lahelay oo duleedka ka ah Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *